Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad Oo Ka Hadlay Qorshaha Dawlada Ee Doorashooyinka.

Somali Foreign Minister Ahmed Isse Awad speaks during an interview with Reuters in Mogadishu, Somalia April 20, 2018 REUTERS/Feisal Omar

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya Amb Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in ay Dowlada Somaliya ka go’antahay in ay dalka ka dhacdo doorasho heshiis lagu yahay oo aan cid gaar ah ku haboonayn.

Hadalka wasiirka ayaa imanaya xilli khal-khal siyaasadeed oo xoogan ka jiro Somaliya kadib markii Gudida Doorashooyinka ee madaxa banaan xaqiijiyeen in ayna doorasho hal iyo cod ah wakhtigan la qaadan karin.

Gudida doorashooyinka madaxa banaan ayaa sheegay in ay ugu yaraan 13 bilood u baahanyihiin si loo hir galiyo doorasho noocaas oo kale ah laakiin Xusbiyada mucaaridka Dalka iyo waliba maamul goboleedyada ayaa dhankooda si adag uga soo hor jeestay kuna doodaya in ay doorashadu wakhtigeedii ku dhacdo sida ay doorton ha u dhacdee.

Haatan Wasiirka Arimaha Dibada oo u waramayay BBC-da ayaa sheegay in ay dawlada Somaliya ku dadaalayso in ay dorashadu wakhtigeedii ku dhacdo oo ay u dhacdo sida ugu haboon.

“Dawlada Somaliya waxa ay ka shaqaynaysaa in ay dalka ka dhacdo doorasho sharci ah oo waafaqdsan mawqifka Dowlada Federaalka Somaliya”.

“Somaliya waxa ay ku dadaalaysaa in ay doorashadu noqoto mid sharci ah oo waafaqsan wadatashi iyo is afgaradka Madaxda umad Somaliyeed”.

“Xukuumada Somaliya oo uu hogaaminayo Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo waxa ay ka shaqaynaysaa doorasho ay dad Somaliyeed raali ka yihiin oo waliba loo dhanyhaay ay dalka uga dhici lahayd”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*