XASAASI: Dalka Masar Oo Wafti Qarsoodi Ah U Soo Dirtay Somaliland Xilli Muranka Ay Kula Jiraan Itoobiya Cidka Isku shareeray.

Dalka Masara ayaa Wafti qarsoodi ah u soo diray Somaliland iyada oo uu Madaxweynaha Somaliland ee Muuse Biixi ku qaabilay madaxtooyada.

Waftiga Ay Masar u dirtay Somaliland ayaa imanay xilli uu muran iyo xiisad aad u weyn Kala dhexayso wadamad Itoobiya iyo Masar kaas oo ku aadan Wabiga ay Itoobiya doonayso in ay biyo xidheenka ku samayso.

Wararka ayaa sheegaya in waftiga Masar u soo dirtay Somaliland ka dan leedahay in ay sal-dhig militari ka samayso Somaliland.

Waxa xusid mudan in Somaliland xidhiidh fiican la leedahay Itoobiya lana sugi doono sida ay Somaliland uga jawaabto codsiga masar ee sal-dhiga Militari.

Waxa maanta si Rasmi ah u bur-buray wadahaladii u socday Itoobiya & Masar ee ay sidoo kale ku jirtay dalka Sudan ee ku saabsanaa Biyo xidheenka iyada oo Itoobiya si Rasmi ah u bilowdy buuxinta biyo xidheenka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*