Xasan Cali Khayre Waxa Xilka Looga Qaaday Afgambi Aanu Dhiig Ku Daadan

Gudoomiyaha Xusbi macaariska Somaliya ee Wadajir Party Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa si kulul uga hadlay xil ka qaadistii lagu sameeyay Ra’iisal Wasaarihii hore ee Somaliya Xasan Cali khayre.

Xasan cali khayre ayaa waayay xilkiisa Ra’iisal Wasaaranimo kadib markii golaha baarlamaanka Somaliya kalsoonida kala laabteen taas oo muran badan ka dhalisay saaxada siyaasadeed ee Somaliya.

“Argagax galin iyo Argagixiso waa mid kooxda Al-shabaab ku dhaqmaan oo aan biyo laga doonin, in ay dadka tusaan in laga baqayo, in ay yihiin Niman aan sharciga u aabo yeelin, in ay yihiin dad aan dastuurka Ixtiraamayn, dadka somaliyeed waxa u cadaatay in ayna jirin dawlad ixtiraamaysa dastuurka, in ayna jirin dawlad dan ka leh dib u heshiisiin, in ayna jirin dawlada dimuqraadiyad iyo sharci toona aan dan ka lahayn”ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

“Hadii aan nahay Xisbiga wadajir, waxa aan ka soo dignay arimahan iyaga ah muddo 3 sano ah ayaan soo wadnay oo aan shacabka maalin walba la wadaagaynay una sheegaynay in dawlada uu hogaamiyo madaxweyne Farmaajo tahay dawlada aan dastuur, sharci, dimuqraadiyad & dib u heshiisiin aan dan ka lahayn”.

“Wixii shalay ka dhacay Golaha Baarlamaanka waxa uu ahaa Afgambi aan dhiig ku daadan, Sababta oo ah in ciidankii Xooga Dalka Somaliyeed qaybihiisii kala duwanaa loo isticmaalo Ra’iisal Wasaarihii dib u habaynta ku sameeyay loona diiday in uu dhaq-dhaqaaq sameeyo waliba uu wax shir Jaraa’id ah si xoriyad ah ku qabto”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*