Xildhibanada Galbeedka Somaliland Oo Diiday In Ay Doorasho Galaan.

Xildhibanada ka soo jeeda galbeedka Somaliland ayaa ka soo hor jeestay doorashadii ay ku heshiiyeen 3-da xisbi qaran ee Kulmiye oo ah xisbiga dalka haya, Waddani iyo UCID.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo labada Hogaamiye mucaarid ee Faysal cali waraabi iyo Cabdirahman Maxamed Cabdilaahi (Ciro) ayaa dhawaan ka heshiiyay in la qabto doorashada golka wakiilada iyo waliba kuw deegaanka oo isla socda.

Xildhibanada Galbeedka Somaliland oo maanta shir ku qabtay xarunta golaha wakiilada Somaliland ayaa si cad u diiday heshiiska dhexmaray madaxweynaha dalka iyo labada xusbi mucaarid.

Xildhibanada ayaa sheegay in ayna gali doonin doorashada saami qaybsi la’aan taas oo la filayo in la qabto sanadkan haatan lagu jiro ee 2020.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*