Xukuumada Somaliland Oo Go’aan Ka Soo Saartay Munaasibada Ciida Xilli Uu Xanuunka Korona Wali Dalka Ku Jiro.

Wasiikra Diinta Iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed oo uu weheliyo Wasiirka Wasaarada horumarinta caafimaadka Cumar Cali Cabdi ayaa si wada jira ah uga hadlay Munaasibada ciida ee maalinta bari ah iyo sida ay shacabku u ciidi doonaan.

Wasiikra Diinta Iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed ayaa sheegay in aan dadka waaweyn la keenin goobaha lagu tukanayo salaadaha ciida sabab la xidhiidha xanuunka Korona.

Isaga oo arintaas ka hadlayana waxa uu yidhi”Malinta bari ah oo Jimce ah waan ciidi doonaa, waa maalin barakaysan oo ay tahay in aan ilaahay u cibaadaysano”.

“Meelaha Ay Tahay in lagu tukado salaada ciida waa in ay Noqoto meelaha banaanka ah sida garoomada kubada cagta iyo baaxadaha waaweyn, hadii laga maarmi waayo waa lagu tukan karaa masaajidada waaweyn iyada oo la kala durkayo waliba la xidhanayo maaskii Afka qarinaya”.

“Sidoo kale waxa muhiim ah in ay dadka waaweyn ku tukadaan Guryaha oo ayna iman meelaha la isugu minayo salaada ciida”.

Wasiirka caafimaadka Somaliland ayaa dhankiisa ka digay in laga fogaado meelaha dadku isugu yimaado waliba la xidho afsaabka lana ilaaliyo nadaafada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*