Xukuumada Somaliland Oo Ka Hadashay Banaanbaxayadii Ay Samaysay Dhalinyarada Gobolka Awdal.

Wasiirka wasaarada Gaadiidka iyo horumarinta Somaliland Cabdilaahi Abokor Cismaan ayaa markii ugu horaysay ka hadlay hadalo ka soo yeedhay qaar ka mid ah dhalinyara Gobolka Awdal kuwaas oo sheegay in aanay gali doonin doorasho bilaa saami qaybsi ah.

Wasiirka ayaa sheegay in ayna ahayn wax is qabanaya Nidaamka Dimuqraadiga Soomaliland qaadatay iyo waliba saami qaybsi waxana uu dadka reer Awdal ugu baaqay in ay u diyaar garoobaan dorashooyinka golaha wakiilada iyo golaha deegaanka.

“Waxa aan jecelahay in aan 2 kalmad ka yidhiaahdo dhalinyarada gobolka Awdal ee hadashay maalintii dhawayd, Qofku hadii uu doonayo in uu ka hadlo arin siyaasi ah ama arin masiiri ah waxa fiican in uu marka hore xaaladu iyo xaalada wax ka ogaado inta uuna hadlin”.

“Dhalin yarada somaliland waxa ay ku cel-celiyaan saami qaybsi, horta saami qaybsi iyo Nidaamka aynu qaadanay isla galayaan waxa aynu soo marnay 2 xaalad, 1991 ilaa 2012 waxa aan ku soo jirnay wakhtigii Axdi qarameedka dastuur ayaynu lahayn waxana aynu ku dhaqmaynay 1991 ilaa 2012-kii”.

“Waxa aynu u gudubnay Nidaamka Dimuqraadiga iyo Asxaabta badan sidaas darteed wixii la odhan jiray saami qaybsigu waxa uu ku salaysnaa Axdi qarameedka laakiin laga bilaabo 2012 waxa aynu u gudubnay Nidaamka Asxaabta badan sidaas darteed Nidaamkan ma lahan saami qaybsi Laakiin waxa uu leeyahay matalaada, matalaaduna waxa ay ku xidhantahay dadka wax dooranaya”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*