Af-hayeenka Madaxtooyada Taiwan Oo Ka Fal Celiyay Diidistii Somaliland Diiday Dalabkii Shiinaha.

Gabadha Af-hayeenka U Ah Madaxtooyada dalka Taiwan ee Kolas Yotaka ayaa ka fal celisay Diidistii ay Somaliland diiday dalabkii Dalka Shiinuhu u soo bandhigay Somaliland si ay xidhiidhka ugu jaraan Taiwan.

Dalka Shiinaha ayaa bilihii ugu dambeeyay waday isku day uu doonayo in uu ku bur-buriyo xidhiidhka diblomaasiyadeed ee dhexmaray Somaliland iyo Taiwan.

Wararka ayaa sheegaya in uu dalka Shiinuhu wfti u soo diray Somaliland kuwaas oo Madaxweyne Muuse biixi u soo bandhigay xidhiidh diblomaasiyadeed oo dhexmari doona Beijing & Hargiesa sidoo kale uu dalka Shiinuhu Somaliland u fuliyo mashruucyo ay ka mid yihiin dhisida wadooyinka, masaarada iyo mashruucyo kale oo waaweyn laakiin marka hore u sheegay in ay xidhiidhka u jaraan Taiwan.

Laakiin Madaxweynaha Somaliland ee Muuse Biixi Cabdi ayaa iska diiday dalabkaas una sheegay in ay Somaliland sii xoojin doonto xidhiidhka ay la leeyihiin Taiwan.

Kadib go’aankaas Af-hayeenka madaxtooyada Taiwan ayaa bogeeda Twitter-ka ku soo qortay” Somaliland, Waxan u malaynayaa in ay tahay xidhiidh qurux badan oo Saaxiibtinimo”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*