Calaamadaha Muujinaya Jacaylku Ninku U Qabo Xaaskiisa.

Jacaylku wuxuu xidhiidh dhaw la leeyahay farxadda lamaanaha iyo xasilloonida xiriirkooda, qaarna waxay u arki karaan inay tahay sababta ugu weyn ee aasaasiga u ah sii wadista iyo guusha xiriirka, maadaama ay tahay shucuur xoog leh oo mideysa qalbiga isla markaana xukumaan xiriirkooda.

Dadka Is qaba ayaa ku kala duwan sida ay isugu muujiyaan jacaylkooda iyada Lamaanaha qaar si toos ah isugu muujiyaan dareenkooda qaabab kala duwan.

Mid walba waxa uu jacaylkiisa ugu soo bandhigaa midka kale sida uu awoodo isaga oo aan ka laba-labayn waliba wakhti walba halka ayna qaar kale awood u lahayn in ay ka hadlaan laakiin ficilkiisa laga dareemo laakiin waxa fiican in ay Gabadhu fursad u siiso Sayigeeda in uu u soo bandhigo jacaylkiisa dhabta ah sidoo kale ula dhaqan si kalgacal iyo jacayl si uu u kordho jacaylka dhexdiina waliba idiin muujiso in aad jacaylkiina dhisto.

Calaamadaha Jacaylka Ee Uu Ninku U Qabo Xaaskiisa:

1.In Uu Ninku Xaaskiisa Siiyo Muhiimada 1-aad Iyo Waliba Wakhti Ku Filan:

Calaamada lagu garto in Jacaylka uu Ninku u qabo xaaskiisa waxa ka mid ah in uu Waydiiyo xaalkiisa, sida ay ku soo qaadatay wakhtigeeda, sida ay shaqadeedu ahayd iyo waliba in aad waydiiso faah-faainta maalinteeda iyo waliba in uu ka caawiyo shqada gurigeeda sidoo kale in uu ka caawiyo arimaha kale ee masuuliyadeeda taas ayaana cadayn xoogan u leh jacaylka uu Ninku u qabo gacalisadiida.

2.La samaynta xidhiidh fiican iyo in uu muhiimada siiyo waxyaabaha ay jeceshaya:

Tan waxaa lagu caddeeyay wada shaqeyn wanaagsan, dhaqan wanaagsan iyo akhlaaq wanaagsan, iyada oo la dhageysanayo aragtideeda iyo fikradaheeda, aan la qarin waliba la is dhaafsado fikrado macno leh oo u dhexeeya 2 qof ee is qaba si midba midka kale u ixtiraamo, xitaa haddii ay ku kala aragti duwan yihiin aragtidooda, Iyo inaad ka raali galiso qaladka aad ka gasho xitaa hadii uuna ahayn mid kas u dhacay, in aad la taliso oo aad sidoo kale waydiiso talooyinkeeda, taa waxaa sii dheer in ninku ku mahadnaqo.

3.In Uu Ninku Kalsooni La Dhiso Xaaskiisa Waliba Xoojiyo:

Waxa iska cad in kalsoonidu tahay furaha guurka guulaysta iyo daganaantiisa sidaas darteed waxa fiican in uu Ninku kalsooni la dhiso xaaskiisa waliba ka shakiyin waliba xoojiyo xidhiidhkaas taasna waxa ay cadayn u tahay jacaylka uu Ninku u qabo xaaskiisa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*