Dagaal Dhimasho & Dhaawac Gaystay Oo Ka Dhacay Qaybo Ka Mid Ah Somaliland.

Xildhibaanada Golaha Guurtida Somaliland ayaa maanta ka warbixiyay dagaalo gaystay dhimasho iyo dhaawac oo beelo ku dhexmaray Deegaano ka tirsan Gobolka Sool.

Guddi loo xil saaray in ay ka shaqayso xalinta dagaal beeleedkaas ayaa sheegay in ay ilaa haatan dagaalka ku dhinteen 6 qof ah dadkii colaadu ka dhexaysay.

Sidoo kale masuulka ayaa sheegay in ay dadka ku dhaawacmay colaada dadka walaalaha ah dhexmaraysa gaadhayso ilaa 8 qof.

Masuulka ayaa sheegay shalay ilaa xalay in ayna dagaalo cusub dhicin maadama ay labada beelood kala dhexmareen ciidamada amaanka ee Somaliland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*