Dalka Shiinaha Oo Wali Somaliland Ku Cadaadinaya In Ay Xidhiidhka U Jaraan Taiwan

Shalay, wefti cusub oo si toos ah uga socda xafiiska wasaaradda arrimaha dibadda Shiinaha ayaa soo gaadhay magaalada Hargeysa. Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya, Qin Jian, ayaa ku sugnaa Somaliland shan maalmood kahor imaatinka wufuud ka socda Shiinaha.

Weftiga ka socda waaxda Afrika ee Wasaaradda ayaa sii xoojin doona safiirka Somaliya ee Qin Jian kaas oo horay ugu sii sugnaa caasimada Somaliland.

Saddexda masuul ee dhowaan yimid iyo safiirka ayaa loo xil saaray sidii ay Madaxweynaha Somaliland ee Muuse Biixi ugu qancin lahaayeen in uu xidhiidhka u jaro Taiwan.

Masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arimaha Dibadda ee Somaliland ayaa soo dhoweeyay saddexda sarkaal ee Shiinaha ka socday kuwaas oo si toos ah uga yimid magaalada Beijing.

Xukuumadda Somaliland wali kama aysan hadlin kulanka suurtagalka ah ee u dhexeeya madaxweynaha iyo waftiga Shiinaha ama natiijada ka soo baxda.

Somaliland iyo Taiwan ayaa si wada jir ah u shaaciyey inay isweydaarsanayaan wakiilo diblomaasiyadeed bishii hore.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Taiwan Joseph Wu ayaa qoraal ku sheegay 1-dii bishii July labada dowladood ay ku heshiiyeen in la sameeyo xiriir ku saleysan ‘saaxiibtinimo iyo ka go’naashaha heerarka guud ee xorriyadda, dimuqraadiyadda, caddaaladda iyo xukunka sharciga’.

Shiinaha ayaa si weyn u cambaareeyay talaabadaas iyada oo safaarada shiinaha ee Somaliya ay ku adkaysanayso in Taiwan ka mid tahay dalka Shiinaha.

Dalka Shiinaha ayaa horay xidhiidhka diblomaasiyadeed ugu jaray dal walba oo xidhiidh gaar ah la sameeyay Taiwan laakiin maadama uuna shiinuhu Somaliland u aqoonsanayn wadan madaxbanaan wax xidhiidh ahna la lahayn arinta uu dalalka kale ku soo sameeyay ayaan ku shaqaynayn Somaliland laakiin waxa uu adeegsanayaa in uu Somaliland u soo bandhigo in uu la galo xidhiidh diblomaasiyadeed waliba ka caawiyo mashruucyo badan oo muhiim ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*