Dawlada Somaliya Oo Lagu Eedeeyay Dhibaatadii Xalay Ka Dhacday Xasbiga Dhexe Ee Muqdisho

Musuqmaasuqa ayaa lagu eedeeyey dagaal ba’an oo ka qarxay xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho goor dambe oo Isniintii ahayd kaas oo u dhaxeeyay maxaabiis Al-Shabaab iyo ilaalada xabsiga kaas oo la sheegayo in ay ku dhinteen 10 qof 8 kalena ku dhaawacmeen.

Booliska ayaa haatan ku jira hawl gal balaadhan oo ay doonayaan in ay dib ula wareegaan Xabsiga halka ay baxaabiis badan baxsatay.

Hoggaamiyaha Xisbiga Mucaaradka Wadajir Cabdiraxmaan Cabdirashakur ayaa sheegay in weerarka xabsiga uu ka tarjumayo musuqmaasuq baahsan oo ka jira gudaha dhaqdhaqaaqa hay’adaha amniga ee dowladda.

“Xisbiga Haya talada dalka ee Nabad iyo Nolo ayaa ayaa qorsheeyay weerarkii xalay lagu qaaday Muqdisho maadama ay dad Al-shabaab ka tirsan ku jiraan Dawlada”ayuu Cabdiraxmaan Cabdishakuur yidhi

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*