Dawlada Somaliya Oo Sheegtay In Ay Korodhay Tirada Dadkii Ku Dhintay Dagaalkii Ka Dhacay Xabsiga Dhexe Ee Muqdisho.

Dawlada Federaalka Somaliya ayaa sheegtay in ay kordhay tirada dadka ku dhintay dagaalkii shalay ka dhacay xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho iyada oo haatan u dhinteen 19 qof sida uu sheegay Afhayeenka Ciidamada Asluubta.

Afhayeenka ciidanka Asluubta Cabdiqani Maxamed Qalaf oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Maxaabiista waxa ka dhintay 15 qof waxana ka dhaawacmay 7 qof halka Ciidamada ka dhinteen 4 qof waxana haatan dhaawac ah 1 Askari”.

Ra’iisal wasaaraha ku meelgaadhka ah ee Somaliya Mahdi Guuleed ayaa magacaabay gudi baadhi doonta sababta keentay isku dhaca ay dadku ku dhinteen galinkii dambe ee shalay.

Waxa haatan socota baadhitaan xoogan oo lagu wado sababaha ka dambeeya dhacdadan khasaaraha nafeed gaystay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*