Dawlada Soomaaliya Oo Muqdisho Ku Soo Celisay Muwaadiniin Ku Xidhnaa Dalka Iran.

Dawlada Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho dib ugu soo celisay Dad Muwaadiniin ah oo maxaabiis ku ahaa dalka Iran.

Dadka maanta yimid Muqdisho ayaa muddo lagu qiyaasay hal sano ah ku xidhaa dalka Iran ee ku taala bariga dhexe.

Maxaabiistan oo ay Dawlada Iran ka kala qabatay meelo kala duwan ayaa jeelalka Iran ku jiray muddo sanad ah waxana ay maanta ka soo dageen garoonka diyaaradaha muqdisho ee Adan cadde.

Dadka ayaa muddo 6 bilood ah doonayay in ay isaga yimaadaan Iran laakiin waxa u suurtagali wayday in ay yimaadaan dalkooda sabab la xidhiidha xayiraado dhanka dulimaadyada ah oo lagu soo rogay dalka Iran.

Dadka qaar oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay dawlada Somaliya door weyn ka qaadatay in ay ku soo laabtaan dalkooda.

Dadka ayaa sheegay in ay xabsiga ku xidhnaayeen muddo sanad iyo 3 bilood ah ka hor inta aan la soo dayn.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*