DEG-DEG: Madaxweynah Somaliya Farmaajo Oo Si Lama Filaan Ah U Hor Iman Doona Baarlamaanka Somaliya + Sababta

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la filayaa in uu maalinta Sabtida oo bari ku beegan khudbad u soo jeedin doono mudanayaasha Baarlamaanka Somaliya.

Madaxweynaha ayaa la filayaa in uu Baarlamaanka hor iman doono una soo jeedin doono khudbad iyada oo aan ilaa haatan la ogayn waxa uu damacsanyahay.

Madaxweynaha ayaa baarlamaanka hor iman doona markii ugu horaysay tan ilaa 6-dii bishii June markii uu khudbad u soo jeediyay baarlamaanka.

Arintan oo si lama filaan ah loo shaaciyay ayaa imanaysa kadib markii ay baarlamaanku xilka ka qaadeen Ra’iisal wasaarihii hore ee Xasan cali khayre.

Waxa si weyn loo filayaa in uu Madaxweynuhu baarlmaanka kaga hor dhawaaqo cida buuxin doonta booska Ra’iisal wasaaraha oo uuna wali shaacin.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*