Dhaxal Sugaha Boqortooyada Sucuudiga Maxamed bin Salmaan Oo Lagu Soo Eedeeyay In Uu Isku Dayay In Uu Dilo Sarkaal Hore Uga Tirsanaan Jiray Sirdoonka Sacuudiga

Sarkaal hore oo ka tirsanaan jiray sirdoonka Sacuudiga ayaa sheegaya in dhaxal sugaha boqortooyada Sacuudiga Maxamed bin Salmaan uu u diray koox disha isaga oo jooga Canada 13 maalmood kadib dilkii saxafiga Sacuudiga ee Jamal Khashoggi, sida ku xusan dukumiintiyo laga gudbiyay maxkamadda federaalka Mareykanka.

Dacwad ka kooban 106 bog ayaa laga xareeyay maxkamada Degmooyinka Mareykanka ee Washington, DC, Saad al-Jabri oo ah Nin dagan Canada ayaa Amiir Maxamed ku eedeeyay in uu u diray Koox disha oo loo yaqaano “Tiger Squad” ay u dilaan.

Waxa uu sheegay in xidhiidhka dhaw ee uu la leeyhay sir doonka Maraykanka iyo aqoon qoto dheer oo ku saabsan Hawalaha Amiirka in ay sabab u ahayd in uu bartilmaameedsado.

dukumiintiyada ayaa sheegaya in Kooxda uu u diray in ay dilaan in ay yimaadeen madaarka Toronto Pearson Airport iyaga oo iska dhigaya dad dalxiisayaal ah bartamihii October 2018 ugu yaraan 2 todobaad kadib markii Khashoggi lagu dilay safaarada Sucuudiga ee dalka Turkey-ga.

Si kasta ha ahaatee kooxdii loo diray in ay dilka gaystaan ayaa lagu baadhay madaarka iyada oo ugu dambayn la joojiyay kadib baadhin lagu ogaaday in ayna ahayn dalxiisayaal.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*