Dowladda Mareykanka Oo Sheegtay In Ay Doonayso Doorasho Wakhtigeedii Kaga Dhacda Somaliya

Dowladda Mareykanka waxay sheegtay inay si aad ah u sugayaan kulanka Dhuusamareb ee u dhexeeya daneeyayaasha siyaasadeed ee Soomaaliya si loo gaaro isku raacsan qaabka doorashada.

Hadal qoraal ah oo ay safaaradda Mareykanka ee Muqdisho Soo saartay ayaa lagu yidhi”baahida loo qabo wadatashi ballaaran iyo isu tanaasul dhab ah si horay loogu wado soo afjaridda khilaafaadka mudada dheer taagnaa ee doorashooyinka”.

“Mareykanka Soomaaliya wuxuu si aad ah u sugayaa natiijooyinka kulanka Dhuusamareeb ee 3-aad”ayay safaardu soo qortay.

Baahida loo qabo wadatashi baahsan iyo isu tanaasul dhab ah waa furaha Qaabka doorashada loo qaban karo”.ayaa la sii raaciyay.

“Doorashooyinka waa in wakhtigooda lagu qabto, ma jirto wax kordhin ah”ayaa bayaanka lagu sii raaciyay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*