Fariimo Jacayl Oo Ay Isku Diri Karaan Dadka Lamaanah Ah.

Lamaane walba oo qaba waxa ay doonayaan in ay isku xiisaan iskana fikiraan marka ay kala maqanyihiin.

Xidhiidhka lamaane walba oo is qaba ayaa u baahan dadaal labada dhinac ah si uu u guulaysto una socdo muddo dheer fariimaha jacaylka ayaana idinka caawin kara in aad isku muujisaan sida aad isugu xiisteen wakhtiga aad kala maqantihiin.

Hadaba waxa aan halkan ku soo bandhigi doonaa fariimo diiran oo aad isku diri kartaan wakhtiga aad kala maqantihiin.

1.Waxaan ku arkaa nafteyda indhahaaga, Waxana aan joogigaankaaga ka dareensanahay qalbigaaga, waxa aan doonayaa in aan ku arko si aan kuugu sameeyo wax walba oo aad jeceshahay, run ahaantii Nasiib ayaan leeyahay hadii aad nolosha ila wadaagayso.

2.Marka aan indhaha Xidho adiga ayaan ku arkaa, marka aan idhaha Furo adiga ayaan ku arkaa, ma jiraan wax aan sameyn karo adiga oo aan kaa fakarin waxa aan u xiisay in aad gacmahayga gacmahaaga saarto oo aad laabta i galiso.

3.Waxa aad tahay Qofkii Riyadaya

4.Ma garan karo la’aantaa in aan noolaan karo sababta oo ah inta aad iga maqantahay Ayaan aad kuu tabay.

5.Waxa aan xalay Ku Riyooday Riyo xiiso leh oo adiga kugu saabsan.

6.Kaliya waxa aan doonayaa in aan laabtaada ku jiro inta ka dhiman noloshayda.

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*