Guddi Loo Xil Saaray Doorashooyinka Somaliya Oo Ku Qaatay Muqdisho.

Waxa maanta Magaalada Muqdisho ee caasimada Somaliya kulan kuyeeshay qaar ka mid ah xubnaha Guddida loo xulay doorashooyinka Somaliya ee soo socda.

Xubnahan ayaa ka kala socday dawlada Federaalka Somaliya iyo waliba kuw xubnaha ka ah dawlada ee Maamul Goboleedyada ka jira dalka.

Kulankan ayaa la sheegayaa in ay ka maqnaayeen xubnaha guddida u matalaya maamul goboleedyada Jubbaland iyo Puntland kuwaas oo uu khilaaf kala dhexeeyo dawlada Federlaaka Somaliya.

Sababta ay Xubnaha labada maamul goboleed uga maqanaayeen shirka ayaa ahayd in ay sheegeen in ayna isku aamini karin magaalada Muqdisho ee caasimada Somaliya.

Shirkan ayaa hordhac u ah wadahadalo loogu gogol xaadhayo doorashooyinka la doonayo in ay dalka ka dhacaan bilaha soo socda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*