Kalmadaha Ay Gabadhu Necebtahay In Ay Ka Maqasho Gacaliyeheeda, Iska Ilaali Ninow Hadii Kale Waad Luminaysaa Jacaylkeeda.

Waxa jirta Kalmado ama hadal ay necebyihiin in ay Gabadhu ka maqasho gacaliyeheeda marka ay dadaal dheer aad ah u samayso isaga dartiis waliba shaqo badan oo guriga ah ku soo baxdo iyada oo isku dayaysa in ay Farxad galiso gacaliyeheeda si waliba oo ay awoodo.

Hadaba waxa aan halkan ku soo bandhigi doonaa 3 kalmad oo aanad Ninow marna ku odhan gacalisadaada xitaa hadii ay jirto laakiin aad u xil qariso.

1.Cuntadaadu Ma Macaana:

Waa arin caado u ah qayb ka mid ah Ragga Somaaliyeed in ay ka hadlaan cuntada marka ay xaaskoodu maalinta oo dhan u dadaasho laakiin arintaas ayaa dilaysa Qalbiga gabadha waxana laga yaabaa in ay ka niyad jabto hawsha ay kuu hayso.

Maadama ay maalinta oo dhan adiga dartaa ugu jirto madbakha waliba u dadaalayso sidii ay u samayn lahayd cunto aad ka hesho isku day in aad u xil qariso oo aanad niyad ka jabin kuna hor caayin cuntada horteeda.

2.Adigu Ma qabatid waxa aan qabto:

Waa hadal ay Inta badan Raggu u adeegsadaan xaasaskooda iyaga oo ku anadacoonaya in ayna gabadhu qaban shaqo adag oo la mid ah mida uu isagu qabto laakiin ogow Ninow in mararka qaar cunta karintu ka adagtahay shaqooyinka qaar sidaas darteed uga mahad celi shaqada ay kuu qabatay iyo cuntada ay kuu diyaarsisay.

3.Waad Naaxday:

Kalmada “Waad Naaxday Ama Waad Buurtay” waa mid ka mid ah Kalmdahah ugu xun ee ay Necebyihiin in ay Gabadhu ka maqasho gacaliyeheeda sababta oo ah waxa ay ku ridaysaa shaki ay ka qaado nafteeda sidaas darteed isku day in aad ilaaliso dareenka xaaskaaga.

Muhiimada Ay Qadarinta Ninku U Leedahay dadaalka Xaaska:

Qadarinta Ninka ee dadaalka xaaskiisa ayaa door weyn ka qaadata xoojinta kalsoonida ay Gabadhu ku qabto Sayigeeda iyo waliba in ay dareento amaan sidoo kale ku dhalisa farxad aan la soo koobi karin marka uu Gacaliyeheedu uga mahad celiyo dadaalka ay u qabatay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*