Khudbada Uu Madaxwyen Farmaajo U Soo Jeedin Doono Baarlamaanka Oo La Kashifay

Madaxweynaha Dawlada Federaalka Somaliya ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saacadaha soo socda warbixin u jeedin doona golaha shacabka ee Baarlamaanka Somaliya.

Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Sheekh Cabdiraxmaan Ayaa xaqiijiyay in uu Madaxweynuhu warbixin u jeedin doono baarlamaanka.

Maxamed Sheekh Cabdiraxmaan ayaa sheegay in soo jeedinta Madaxweynuhu ku salaysnaan doonto xaalada doorashooyinka ee dalka.

“Waa tii uu madaxweynaha horay u ballan qaaday in marka uu soo laabto baralamaanka warbixin siin doona, waxayna ku saleysan tahay xaaladda doorashada dalka “ayuu yiri guddoomiye Mursal.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*