Komishanka Doorashooyinka Somaliland Oo Soo Bandhigay Wakhtiga Ay Qaban Karaan Doorashooyinka Golaha Wakiilada & Golaha Deegaanka

Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland ayaa maanta kulamo la qaatay 3-da Xisbi qaran ee UCID, Kulmiye iyo Waddani iyada oo kulankan daba socdo kulamo soo socday oo ay horay ula soo qaateen 3-da Xisbi qaran.

Komishanka Doorashooyinka Somaliland ayaa 3-da Xisbi qaran u soo bandhigay wakhtiga la qaban doono Doorashooyinka isku titkan ee Kuwa golaha wakiilada iyo golaha deegaan.

Komishanka Doorashooyinka Somaliland ayaa Xisbiyada u sheegay in ay doorashooyinka Golaha wakiilada iyo Golaha deegaanka ku qaban karaan Muddo 10 bilood ah.

Dhanka kale xisbiga talada dalka Haya ee Kulmiye ayaa sheegay in wakhtigaas laga soo horaysiiyo doorashooyinka laguna qabto muddo 6 bilood ah.

Gudoomiyaha Hay’adda Barakacayaasha Qaranka Mudane Abdulkariim Mohamed ayaa bogiisa Facebook-ka ku soo qoray”Kulan maanta ay isugu yimaadeen komishanka doorashooyinka qaranka iyo saddexda xisbi qaran oo ka dhacay xarunta komishanka , waxa uu komishanku xisbiyada u soo bandhigay time line-ka doorashooyinka ama jadwalka doorashooyinka oo ku salaysan 10 bilood.

Xisbiga kulmiye waxa uu u soo jeediyey in ay ku soo koobaan lix bilood.

Nasiib darro labada xisbi ee Waddani iyo Ucid mid waliba gudihiisa ayuu isku khilaafay muddada, mana jirin wax mawqif ah oo labada xisbi mid waliba gudihiisa isla oggolaa”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*