Madaxweyne Farmaajo & Madaxda Maamul Goboleedyada Oo Ku Wajahan Dhusamareb

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Iyo Madaxda maamul Goboleedyada ayaa lagu soo waramayaa in ay ku wajahanyihiin magaalada Dhusamareb ee xarunta Gobolka Galmudug.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ka qayb gali doona shirka Dhusamareb kaas oo la filayo in uu dib u furmo maalinta bari ee 16 bisha August una dhexayn doona dawlada Federaalka iyo maamul Goboleedyada xubnaha ka ah Dawlada Federaalka.

Kusimaha Raysalwasaaraha Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed, Gudoomiyaha gobalka Banaadir Cumar Maxamed Filish, Madaxda Koonfur Galbeed, Hirshabeelle ayaa dhankooda iyana tagaya, xili horey Madaxweynaha martida loo yahay ugu sugan yahay gobalka.

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Somaliya Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa sheegay in uu Madaxweyne Farmaajo u tagi doono Dhusamareb si uu u muujiyo rabitaankiisa ah in uu doonayo fulinta balantii shirkii hore ee ka dhacay Dhusamareb.

Sidoo kale Madaxda maamul Goboleedyada ayaa dhankooda iman doona Dhusamareb si loo sii Amba qaado wadahadaladii bishii hore ka dhacay Dhusamareb.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*