Masuul Ka Tirsan Xukuumada Farmaajo Oo Is Casilay.

Agaasimihii Madaxtooyada Soomaaliy Dr. Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade) ayaa lagu soo waramayaa in uu iska casilay shaqada uu ka hayay madaxtooyada Somaliya.

Dr. Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade) ayaa la sheegayaa in uu shalay isagatagay magaalada Muqdisho ugana baxay dalka dibadiisa kadib markii uu isaga tagay shaqada.

Agaasimaha Madaxtooyada Villa Somaliya ayuu madaxweynaha Somaliya ee Maxamed Cabdulaahi Farmaajo u magacaabay xila 15 bishii May ee sanadkii la soo dhaafay ee 2019.

Ilaa haatan ma jirto warqada shaqo ka tagista ee uu Dr. Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade) isaga casilay xilak uu u hayay dawlada laakiin waxa uu dalka ka dhoofay shalay oo Khamiis ahayd.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*