Nin Somali Ah Oo Ku Nool Maraykanka Oo Lagu Xukumay 40 Sano Oo Jeel Ah, Sabab.

Qaadiga Degmada Jackson County ayaa maalintii salaasadii xabsi 40 sano ah ku xukumay Nin Somali ah oo 40 sano jir ah kadib markii uu will 15 jir ah ku dilay meel ka baxsan masaajidka Kansas City bishii December 2014.

Bishii December 2019 Ninka Somaliga ah oo lagu magacaabo Axmed Aden ayaa qirtay dambiga 2-aad ee dilka iyo fal dambiyeedka.

Xeer-ilaaliyeyaasha ayaa markii hore dambiilaha ku eedeeyay dilka heerka 1-aad kadib markii uu dilay wiilka yar oo lagu magacaabo Cabdisamad Sheekh-Xussein oo ahaa arday ku jira fasalka labaad ee Dugsiga Sare ee Staley, Kansas.

Wararka ayaa sheegaya in uu wiilka yar ka soo baxa Masaajid markii uu Axmed gaadhi jiidsiiyay isaga oo hor taagnaa masaajidka una socday in uu raaco asxaabtiisa markii uu shilku dhacay.

Xeer-ilaaliyeyaasha aya coday in Axmed lagu xukumu Xabsi daa’in ah 30 sano iyo 15 sano oo lagu daray laakiin 4 bishii August ayaa Axamed lagu xukumay 30 sano dilka ah iyo 10 sano oo dacwad ciqaabeed ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*