Qarax Weyn Oo Ka Dhacay Saldhig Ciidan Oo Ku Yaala Magaalada Muqdisho.

Qarax weyn ayaa lagu soo waramayaa in uu ka dhacay magaalada Muqdisho kaas oo uu ka dhashay qasaare aad u badan dhimasho ah.

Qaraxa ayaa lala beegsaday Salidiga Ciidan oo ay leeyihiin guutadaa 27-aad ee ciidamada xooga dalka Somaliya.

Qaraxa ayuu sababay qof is miidaamiyay iskuna soo xidhay Waxyaabaha qarka kadib qarxiyay kadib markii uu gaadhi uu watay gudaha u galiyay saldhiga.

Ciidamada boosliska  ayaa xidhay wadooyinka ku dhaw goobta uu qaraxu ka dhacay iyada oo uu haatan socdo hawlgalka Gurmadka.

Qaraxan ayan ahayn markii ugu horeeyay ee bilihii ugu dambeeyay lala beegsanayay masuuliyiinta iyo saraakiisa Somaliya.

Kooxda Al-shabaab ayaa sheegatay in ay ka dambaysay qaraxa dhacay waxana ay sheegeen in ay ugu yaraan dileen 9 ka mid ah ciidamadii joogay saldhiga halka ay sidoo kale dhaawaceen wax ka badan 15 ciidamada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*