Safirka Shiinaha Ee Soomaaliya Oo Soo Gaadhay Somaliland

Safiirka dalka Shiinaha u fadhiya Somaliya ee Qin Jian ayaa soo gaadhay caasimada Somaliland ee Hargeysa maanta oo sabti ah.

Masuuliyiin ka tirsan wasaarada arimaha dibada Somaliland ayaa Qin Jian ku soo dhaweeyay madaarka caaoamiga ah ee Cigaal Airport.

U Jeedada ka dambaysa booqashada safiirka Somaliya uu u yimid Hargeysa ayaan ilaa haatan la ogayn.

Booqashada safiirka ayaa imanaya bilo kadib markii ay Somaliland iyo Taiwan ayaa si rasmi ah u shaaciyeen in ay kala saxeexdeen heshiis laba geesood ah oo ku wajahan kobcinta xidhiidhka labada dal.

Taiwan ayaa dalka Shiinaha Inteeda kale ka Go’day Halka ay Somaliland xoriyadeeda dib ugala soo wareegtay Somaliya sanadkii 1991 kadib markii ay isla Somaliland calanka la doonteen koonfur.

Dalka shiinaha ayaa si weyn uga cadhooday xidhiidhka dhexmaray Somaliland iyo Taiwan halka ay Somaliya cambaareysay tallaabadaas.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*