Shaqaalaha Madaarka Diyaarada Muqdisho Ee Aden Cabdulle Airport Oo Diiday In Ay Shaqeeyaan, Maxay Tahay Sababtu.

Shaqada madaarka Diyaaradaha Muqdisho ee Adan Cadde Aairport ayaa maanta joogsatay kadib markii shaqaalaha Madaarku diideen in ay soo shaqo galaan.

Shaqaalaha Madaarka ayaa ka cabanaaya mushahar la’aan ku saabsan shaqdooda iyada oo hawlaha madaarku khal-khal gashay maanta iyada oo la sheegayo in la joojiyay shaqada madaarka.

Madaarka Adan Cadde ayaa bilowgii bishan dib loo furay kadib muddo 3 bilood ah oo uu xidhnaa sabab la xidhiidha xanuunka Korona.

Shaqaalaha ayaa ka cabanaya in aan muddo dheer la siin wax mushahar ah inkasta oo ay dhawr mar gudbiyeen cabashooyin arintaas la xidhiidha.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*