Taiwan Oo Qaaday Talaabo Ay Ku Sii Xoojinayso Xidhiidhka Ay La Leedahay Somaliland.

Taiwan ayaa qaadaysa talaabo ay ku sii xoojinayso xidhiidhka diblomaasiyadeed ee ay la gashay Somaliland kadib markii wasaarada difaaca Taiwan Sheegtayy in ay ka shaqaynayso in ay Somaliland ka caawiso ilaalinta Beeha dalka.

Sidoo kale Taiwan ayaa soomaliland u fidin doonta caawimo dhanka Militariga ah iyaga oo u tababari doonta ciidamada cidka, dhulka iyo waliba kuwa badda.

Arintan ayaa imanaysa bilo kadib markii ay Somaliland iyo Taiwan kala saxiixdeen heshiis diblomaasiyadeed kaas oo ay labada dal xafiisyo ka kala furteen caasimadaha.

Wasaarada difaaca qaranka Taiwan ayaa rintan sheegtay xilli lagu guda jiray daahfurka xaflada lagu soo saarayay markab badda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*