Taliyihii Ilaalada Madaxweynaha Maamulka Puntland Oo Lagu Dilay Dagaal Dhexmaray Maleeshiyo Beeleedyo & Ciidamada Puntland.

Taliyaha ciidamada ilaalada madaxtooyada Puntland Cusmaan Cumar Maxamed ayaa lagu dilay iska hor imaad hubaysan oo maleeshiyo beeleed ku dhexmaray magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, sida ay xaqiijiyeen masuuliyiinta deegaanka.

Wararka ka imanaya magaalada ayaa sheegaya in iska hor imaadku bilaabmay kadib markii ciidamada gobolka ay weerareen xarun ay daganaayeen maleeshiyo beeleed aad u hubeysan. Dhowr qof ayaa ku dhintey dagaal culus oo ka dhacay halkaas oo in ka badan 10 kale ay ku dhaawacmeen. Askarta iyo maleeshiyaadka Puntland ayaa kamid ahaa dadka dhintay, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Taliyaha ciidamada ilaalada madaxtooyada Puntland Cusmaan Cumar Maxamed oo hogaaminayay weerarkii lagu qaaday maleeshiyada ayaa lagu dilay halkaas sida masuuliyiintu xaqiijieen.

Dagaalka Gaalkacyo ayaa yimid xilli uu booqday madaxweynaha Puntland Saciid Deni waqooyiga magaalada.

Maalmihii la soo dhaafay, maamulka gobolka ayaa bixinayay dadaalo dheeri ah oo lagu xakameynayo khatarta sii kordheysa ee malleeyshiyaadka qabaaillada ee Galkacyo iyo qeybaha kale ee gobolka Mudug, iyadoo madaxweynaha Saciid Deni uu shaaca ka qaaday in dowladiisa aysan u dulqaadan doonin malleeyshiyaadka hub ku sita magaalooyinka waaweyn.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*