U Gaar Ah Lamaanaha: Faa’iidooyinka Ay Leedahay Lamaanaha Seexda Laba Qol Oo Kala Duwan.

Daraasado fara badan oo caafimaad ayaa lagu ogaaday in marka ay labada qof ee is qaba laba meel oo kala gaar ah seexdaan xoojiso xidhiidhka guurkooda kana dhigto mid farxad badan waliba mid walba siiso boos banaan oo shaqsiyadeeda taas oo saamayn wanaagsan ku leh xidhiidhkooda.

Hadaba Halkan Hoose Kaga Bogo Faa’iidooyinka ay leedahay in ay labada qof ee is qaba marar qaar kala seexdaan laba Meel oo kala fog.

1.In Ay Soo Kacaan Iyaga Oo Farxsan Oo Raaxo Dareemaya:

Dadka is qaba ee wada seexda waxa laga yaabaa in ay 6 jeer is toosiyaan habeenkii taas oo ay sabab u noqon karta arimo kala duwan sida in uu midkood sariirta ka koco isaga oo doonaya arimo khaas ah laakiin marka ay labada qof laba meel kala seexdaan arintaas ayaa meesha ka baxaysa waxana ay labada qof hurdada ka kacayaan iyaga oo raaxo iyo farxad dareemaya.

2.Waxa Ay Kordhisaa Isku Xiisida Labada Qof:

Mararka qaar kulanka sariirta ayaa noqda mid ay ka caajisaan labada qof ee is qaba laakiin Faa’iidada ay leedahay in ay labada laba meel oo kala duwan seexdaan ayaa keenaysa in ay dareemaan raaxo iyo xoriyad maadama uuna midna dareemayn in uu waajib ku yahay in uu sameeyo wax uu ka doonayo lamaanihiisa kale sidoo kale waxa ay xoojisaa xiisaha kulanka sariirta.

3.Dareemista Raaxo badan:

Lamaanaha is qaba ee seexda meelo kala duwan waxa uu helaa raaxo ku filan hurdada taas oo keenaysa in uu qofku dareemo raaxo sidoo kale dareemo xaalad fiican.

4.In Uu Yaraado Khilaafka Lamaanaha Is qaba:

In ay lamaanuhu seexdaan laba meel oo kala duwan waxa ay yaraynaysaa in uu khilaaf weyn ka dhex dhoco labada qof ee is qaba taas oo xidhiidhka labada qof ka dhigaysa mid caafimaad qaba.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*