U Gaar Ah Ragga: Faa’iidooyinka Ay Leedahay In Aad Laabta Galiso Xaaskaaga

In Uu Ninku Laabta Galiyo Xaaskiisa waa mid ka mid ah qaababka ugu sahlan ee lagu kicinayo dareenka iyo shucuurta laguna muujiyo jacayl iyo damaanad qaad.

sidoo kale waa wado wanaagasan oo ay ku wada xidhiidhi karaan labada qof ee is qaba maadama xiriirka jir ahaaneed uu gacan ka geysto xoojinta xiriirka iyo yareynta walwalka iyo niyad jabka kadib maalin dheer ku soo maray.

Labada qof ee is qaba ayaa doonaya in ay nastaan waxana wakhtigaas labada qof u baahanyihiin in ay laabta is galiyaan.

Hadaba waxa aan halkan ku soo bandhigi doonaa faa’iidooyinka uu leeyahay in uu Ninku Laabta Galiyo xaaskiisa.

1.Dareemis Raaxo:

Laab galinta Ninka ee xaaskiisa ayaa ah mid diiran taas oo kicisa hoormoonka loo yaqaano oxytocin kaas oo masuul ka ah dareemista raali ahaanshaha iyo waliba dareenka iyo ku xidhnaanta dadka kale.

2.Kordhinta difaaca jidhka:

Sii deynta hormoonka ‘oxygentocin’ wuxuu gacan ka geystaa kordhinta difaaca jidhka masuulka ka ah in uu la dagaalamo xanuunada taas oo fiicanayda caafimaadka jidhka guud ahaan.

3.Yaraynta Xanuunka:

Marka uu kor u koco nidaamka difaaca jidhka hormoonka oxygentocin ayaa hoos u dhiga xanuunka uu qofku dareemayo marka ay labada qof laabta is galiyaan.

4.Yaraynta Xanuunada Qalbiga ku dhaca:

Cilmi baadhayaasha caafimaadka ayaa sheegay in mar walba oo dadka is qaba ay laabta is galiyaan badato hormoonka oxygentocin taas oo jidhka siisa awood uu kula dagaalami karo xanuunada qalbiga ku dhaca ee badan.

5.In uu Joojiyo dareemista wal-walka:

hormoonka ‘oxygentocin ayaa ka caawiya qof in uu mar walba wax fiican ka fikiro taas oo hoos u dhigaysa wal-walka nololeed ee soo wajaha dadka guud ahaan.

6.Xoojinta xidhiidhka jacaylka:

Mar walba oo ay labada qof ee is qaba si joogto ah laabta isku galiyaan waxa ay siinaysaa xidhiidh fiican taas oo keenaysa in uu awood yeesho xidhiidhka jacayl ee ka dhexeeya labada qof ee is qaba taas oo sabab u noqon karta in uu jacaylkoodu muddo dheer jiro waliba ka yaraado khilaafka ka dhex dhaca dadka is qaba.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*