U Gaar Ah Ragga: Hadii Aad 5-tan Ficil Samayso Waxa Aad Ku Waayi Doontaa Gacalisadaada, Iska Jir Ninow.

Xidhiidhka Ninka iyo Gabadha waa in ay jirto arin xakamaynaysa xidhiidhkaas waliba ilaalinaysa karaamada mid walba sidoo kale ilaalinaysa balanta dhextaal Ixtiraam-ka ayaana ah midka ugu muhiimasan ee xidhiidhka.

Xidhiidhka ka dhexeeya Ninka iyo Gabadha waxa dhici karta ficilo iyo dhaqan uu samayn karo Ninku taas oo aayna gabadhu marba aqbalayn wax walba oo dhaca.

Hadaba waxa aan halkan ku soo bandhigi doonaa ficilada iyo dhaqanka ay ragga qaar sameeyaan oo ayna gabadhna jeclayn.

1.Khiyaamada:

Waa dhaqanka iyo ficilada Ragga qaar sameeyaan laakiin ayna gabdhuhu jeclayn sababta oo ah Khiyaamada ayaa ah waxana ugu weyn ee sharaf dhaca ku rida gabadha sidaas darteed waa in aad ninow ka fogaato khiyaamaynta gacalisadaada si aad u ilaaliso karamaadeeda.

2.Ku Digasho.

Ku digashada gabadha iyo xuquuqdeeda ayaa ka mid ah waxyaabaha ay Ragga Somaliyeed qaar ka mid ah sameeyaan laakiin arintaas ayaa ah mid ay dumarku Necebyihiin waliba dareensiisa amaan la’aan iyo in la dhaawacay karaamadeeda sidaas darteed dumarku ma aqbalaan arintaas.

3.In uu Dhayalsado:

Dhayalsiga ayaa ah arin ay sameeyaan Ragg badan oo Soomaali ah laakiin waa arin dhaawacda dareenka gabadha waxana ay u muujinaysaa in uuna Ninku wax dan ah ka lahayn waliba magaalka kala gali karaan.

4.Af-lagaado ama Cay:

Af-lagaagada ayaa hoos u dhigta sharafta gaabadha sidaas darteed ma jirto gabadh jecel in la Af-lagaadeeyo ama wax xun laag sheeo waxana ay gabi ahaan dilaysaa xidhiidhka kala dhexeeya Ninka.

5.Gacan Qaadka:

In uu Ninku gacan u qaado oo uu dilo gabadha ayaa ah ficilada ugu xun ee ay Raggu ka galaan xaqqa dumarka sidaas darteed ma fiicna in uu Ninka Ragga ah gacan u qaado gabadh si walba oo ay uga khaldantahay mana jecla dumarku Ninka u gacan qaada si walba oo uu u quruxanyahay una maal badanyahay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*