U Gaar Ah Ragga: Ma Doonaysaa In Aad Dagto Qalbiga Gacalisadaada, 3-dan Waxyaabood Ha Iska Indho-tirin

Xidhiidhka Guurka ayaa ah aas-aaska guriga waxana muhiim ah in uu Nin walba ilaaliyo arintaas maadama uu isagu yahay qofka masuulka ka ah.

Waxa iska cad in labada qof ee is qaba ay masuul ka yihiin gurigooda laakiin masuuliyada ugu weyn ayaa ku dhacaysa Ninka maadama uu yahay hogaanka qoyska.

Hadaba waxa aan halkan ku soo bandhigi doonaa talo muhiim ah oo ah 3 Waxyaabood oo Muhiim ah oo Uuna Ninku Iska Indha-tirin marka uu xaaskiisa la macaamilayo.

1.Taageerada:

Gabadh walba waxa ay u baahantahay taageero nafsi ahaan iyo in uu waliba gacaliyeheedu taageero la garab istaago xitaa wax yar hadii ay tahay sida in uu ka taageero shaqada guriga in aad la qaado waxyaabaha culus, hadii aad gacalisadaad mar walba garab istaagto waxa ay sabab u noqonaysaa in uu qalbigeeda kuu galo jacayl xad dhaaf ah oo ay nafteeda kuu huri karto.

2.In Uu Wakhti U Sameeyo Xasuusta Waxyaabihii Ay Soo Wada Mareen:

Gabadh walba way ku faraxdaa marka uu Gacaliyeheedu xasuusto sanado badan kadib waxyaabaha ama munaasibadihii ay soo wada qaateen kana dhashay jacaylkoodu sida munaasibadaha ka farxinaya tusaale ahaan in uu u keeno hadiyado waliba si lama filaan ah iyo waliba in uu sameeyo wakhti uu la sheekaysto waliba dhagaysto markeeda iyo in uu fahmo dabeecadeeda taas oo keenaysa in ay aqbasho gacaliyeheeda waliba Ixtiraam u muujiso.

3.In Aad Ixtiraam U Muujiso:

Ninka Hadalka macaan leh kuna fiican la macaamilka Gabadha waa Ninka leh Akhlaaqda fiican ee ay Gabadh walba jeceshahay sidaas darteed waxa fiican in aad Ixtiraam iyo Akhlaaq wanaag u muujiso gacalisadaada mar walba.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*