U Gaar Ah Ragga: Ma Doonaysaa In Aad U Dhawaato Qalbiga Gacalisadaada, 4-ta Talo Raac.

Ninka ayaan u baahnayn dadaal dheeraad ah si uu ugu dhawaado qalbiga gacalisadiisa uu ku riyoonayo, qalbiga gabadha ayaa ah mid ay fududahay in la dago waliba dadaal aad u yar.

Hadaba Sidee Ayaad ugu dhawaan kartaa qalbiga gacalisdaada:

1.In aad daryeesho:

Daryeelka ayaa ah cadayn jacayl waana fariin jacayl ay isku diraan dadk is jecel waxana ku dheehan udug kasta oo fiican, hadii aad daryeesho gabadha waxa ay kaa dhigaysaa muhiimadeeda, gabadhu waa sida ubaxa mar walba oo ay daryeel hesho waxa ay furtaa qalbigeeda.

2.U Dabacsanow Gacalisadaada:

Ragga qaar ayaa ayaa muujiya awood ragganimo oo adag si ay u helaan Ixtiraam-ka Gabadha waxana laga yaabaa in uu ku guulaysto laakiin waxa uu isla markaas luminayaa jacaylkeeda, sidaas darteed waa in uu Ninku u dabacsanaado gacalisadiisa taas oo keenaysa in ay u dhawaato qalbigiisa.

3.Noqo lataliye wanaagsan, Iska ilaali In Aad Eedayso:

Gabadha ayaa jecel cida muhiimad siisa waxana ay ixtiraamtaa cida talo siisa hadii ay Niyadaadu fiicantahay waxana aad ku dhawaan doontaa qalbigaaga.

4.Ku Dagaal In Aad Farxad Galiso:

Farxada ayaa ah waxa ugu muhiimsan gabadha, Ninka Noloshiisa ka qayb galiya gabadha waliba mar walba la wadaaga kalmado fiican oo run ah waxa ay farxad galinaysaa qalbiga gaabdha waxana farxad galinaya qalbigeeda waliba waxa ay duulaysaa hawada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*