U Gaar Ah Ragga: Sifooyinka Uu Nin Walba Jecelyahay In Uu Ka Helo Xaaskiisa

Waxaa jira tayo iyo waxyaabo fara badan oo ninku ku jecel yahay Gabadha taas oo ku soo jeeda Gabadha waxana ka mid ah.

1.Caqli badni:

Caqli badninada ama Maskax badnida ayaa ah sifo muhiim u ah Gabadha sababta oo ah waxa ay ku kala garan kartaa dareenada kala duwan iyo waliba in ay ku kalin karto dhibaatooyinka waxana uu Nin walba doorbidaa in uu helo ama xaas ka dhigto gabadh maskax badan.

2.Dhoolacadaynta:

Dhoolacadaynta ayaa ah sifooyinka ugu fiican ee ay Ragu rajeeyaan in ay ka helaan xaaskooda sababta oo ah waxa ay cadayn u tahay dareemista farxada sidaas darteed dhoolacadaynta ayaa ah Sifo muhiim oo uu Nin walba jecelyahay in uu ka helo xaaskiisa.

3.Nadaafada:

Ragga ayaa jecel dumarka mar walba ilaaliya nadaafadooda hadii ay tahay mida nafteeda ama Mida gurigeeda maadama Nadaafadu tahay mid caafimaad ahaa u fiican sidaas darteed Nin walba waxa uu jecelyahay in ay xaaskisu noqoto mid nadaafad fiican oo ilaalisa nadaafada.

4.Gabadha Is Jecel:

Kalsoonida nafta ayaa ah mid gabadha ka dhigta mid qurux badan indhaha dadka kale, Ninku waxa uu jecelyahay in uu helo ama xaas ka dhigto gabadh nafteeda ku kalsoon, inkasta oo ay dadka qaar jacaylka Nafta u arkaan qof wax isla jecel laakiin waa muhiim in gabadhu nafteeda jeclaato sababta oo ah waxa ay muujinaysaa awooda gabadha iyo soo jiidashadeeda.

5.Gabadha wax dhagaysata:

Nin walba waxa uu jecelyahay in uu helo gabadh si fiican u dhagaysta marka uu la hadlayo waana sifo fiican oo uu Ninku ixtiraam ku siiyo gabadha sababta oo ah inta badan Ragga ayaa jecel in la dhagaysto sidaas darteed waa sifo uu nin walba jecelyahay in uu ka helo xaaskiisa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*