U Gaar Ah Ragga: Waa Maxay Sifooyinka Xaaska Maskaxda Badan, Iska Ogow, Kana Raadi Xaaskaaga.

Dumarka waxa lagu gartaa sifooyin badan oo qurux badan oo sidoo kale wanaagsan taas oo cadayn u noqota dadka kale waxana xusid mudan in dumarka qaar qurux dibadeed kuwaas oo ay ku soo jiitaan dadka kale halka qaar dumarka ka mid ah leeyihiin kaftan iyo jacayl ay ku dhex galaan dadka kale, sidoo kale waxa jira dumarka qaar leh maskax badan sidoo kale leh tayooyinka kor ku xusan laakiin maskax badnideeda ayaa siinaysa masuuliyada iyo dhiiri galin.

Hadaba waxa aan Ninow halkan ku soo bandhigi doonaa sifooyinka aad ku garan garto gabadha maskaxda badan.

1.Gabadha maskaxda badan waxa ay dhistaa wada sheekaysi marka ay la macaamilayso gacaliyeheeda mar walba.

2.Gabadha maskada badan ayaa ku fiican in ay wax dhagaysato marka loo bar-bar dhigo hadalka badan.

3.Gabadha maskaxda badan waxa ay doontaa in ay wakhti gaar ah u samayso gacaliyeheeda si ay wakhti ula qaadato uguna dhawaato qalbigiisa .

4.Gabadha maskaxda badan waxa ay muhiimada siisaa quruxdeeda waliba si joogto ah.

5.Gabadha maskaxda badan waxa ay mar walba isku daydaa in ay si fiican ula macaamisho wakhtiyada adag ee dhanka dhaqaalaha.

6.Ugu dambayn gabadha maskaxda badan waxa isku daydaa in ay ku dagto nolosheeda guurka iyo gacaliyeeda iyada oo mar walba doonta in ay isku hayso gurigeeda wax walba oo dhaca.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*