Wadahadaladii Somaliland & Somaliya Ee Ka Bilowday Dalka Djibouti Oo Mar Kale Dib U Dhacay & Sababta Oo La Sharaxay.

Wadahadaladii Somaliland iyo Somaliya u dhexeeyay ee ka bilowday dalka Djibouti bartamihii bishii June ayaa mar kale dib u dhacay sida ay xaqiijisay Haayada xalinta khilaafaadka adduunka ee ICG.

Somaliland iyo Somaliya ayaa ku heshiiyay in ay dib u bilaabaan wadahadalada bartamihii bishii July laakiin dib ayay u dhacday iyada oo haatana mar kale dib u dhacday.

Mid ka mid ah shaqaalaha Haayada ICG ayaa shaaca ka qaaday sababta ay markii 2-aad dib ugu dhacday wadahadaladii u dhexeeyay Somaliland iyo Somaliya.

BBC-da qaybteeda Somaliga ayaa waydiisay sababta ay Wadahadaladu dib ugu dheceen waxana uu yidhi”Dib u dhacu waxa uu ka yimid dhanka farsamada oo dawlada Federaalka ayaa codsatay in dib loogu dhigo iyada oo ka dalbatay dadkii hogaaminayay wadahadalada”.

“Intaas kadib waxa xilka laga qaaday Ra’iisal wasaaraha Somaliya waxana ay mar kale codsadeen in dib loogu dhigo ilaa inta ay dawlad cusub ka soo dhisanayaan”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*