Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Weeraradii Ka Dhacay 8 Dagmo Oo Ka Tirsan Muqdisho.

Qaar ka mid ah Dagmooyinka Magaalada Muqdisho ee caasimada Somaliya ayaa xalay lagu qaaday weeraro loo adeegsaday miinooyinka gacmaha lagu tuuro.

Xarunta Degmada Dharkeenley, Xarunta Degmada Wadajir, Xarunta Degmada Waaberi, Waaxda Kordamac ee Degmada Dayniile, Waaxda Siinaay ee Degmada Boondheere, Waaxda Horseed ee Degmada Yaaqshiid, Xarunta Degmada Kaaraan, Waaxda Nageele ee Degmada Kaaraan Iyo Waaxda Calasow Dheere ee Degmada Shibis ayaa ka mid ah dagmooyinka weerarada lagu qaaday.

Weerarka ayaa la sheegayaa in ay ku dhaawacmeen 2 qof oo Rayid ah iyo waliba hal Askari halka lagu qabtay 2 qof oo loo tuhunsanyahay in ay ka dambeeyeen weerarada.

Booliska Somaliya ayaa haatan bilaabay baadhitaan la xidhiidha weerarada iyada oo ayna ilaa haatan jirin cid sheegatay in ay ka dambaysay weeraradaas.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*