XASAASI: Itoobiya Oo Xaqiijisay In Ayna Somaliland U Aqoonsanayn Wadan Madaxbanaan Laakiin U Aragto In Somaliya Ka Mid Tahay

Dalka Itoobiya ayaa meesha ka saaray wararka sheegaya in ay Somaliland u aqoonsantahay dal madax-bannaan iyaga oo sheegay in aqoonsantahay midnimada Soomaaliya.

“Somaliland waxay qayb ka tahay midowga Soomaaliya. Lama aqoonsana. Warka ah in Itoobiya iyo dalal kale Somaliland u aqoonsanyihiin dal madaxbanaan, warkaas Run ma ahan”ayuu yidhi afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda Dina Mufti.

Mufti wuxuu raaciyay, “Arinta tixgelinta midnimada iyo dowladnimada dalka, waxaan ula dhaqmaynaa Soomaalida mid keliya. Waxaan taageersanahay soo celinta xasiloonida halkaas”.

Bayaanka ayaa daba socda kadib markii ay Somaliland la kulantay dalka Masar si ay u kala saxiixdaan Heshiis diblomaasiyadeed xilli ay Itoobiya haatan masar kula jirto muran ku aadan biyo xidheenka.

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*