XASAASI: Maxaabiis Al-Shabaab Ah Oo La Wareegay Maamulka Cabsiga Dhexe Ee Muqdisho & Wararkii Ugu Dambeeyay.

Maxaabiis al-Shabaab ah ayaa la wareegay xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho kadib dagaal ba’an oo ay la galeen ilaalada amaanka kaas oo tiro dad ah la sheegay in lagu dilay sida ay xaqiijiyeen saraakiisha Dawlada Somaliya.

Dagaalkan ayaa qarxay galabnimadii Isniinta kadib markii maxaabiistu ay heleen hub isla markaana bilaabeen weerar ay ku bartilmaameedsanayeen ilaalada xabsiga.

Tiro aan wali la shaacin oo ilaalada xabsiga ah ayaa lagu dilay dagaalka oo wali socda Maxaabiista ayaa adeegsanaya bambaanooyinka, bistooladaha iyo qoryaha dagaalka hubka culus ee ay is weydaarsanayaan ciidamada amniga –kaasoo u dagaallamaya sidii ay ula wareegi lahaayeen xabsiga.

Joogitaan milatari oo culus iyo booliis ayaa laga dareemayaa bannaanka xabsiga oo hadda ay gacanta ku hayaan maxaabiista Al-Shabaab.

Saraakiisha amaanka oo lahadlay warbaahinta gudaha xaalada ay ku sugan yihiin magacyadooda ayaa sheegay in ugu yaraan 4 maxbuus ladilay iyagoo isku dayaya inay ka baxsadaan xabsiga inta uu socday dagaalka culus.

Tiro Maxaabiis ah ayaa la sheegay inay ka baxsadeen xabsiga dhexe maadaama dagaalka uu sii xoogeystay galabnimadii Isniinta, sida ay sheegeen saraakiisha amniga.

Saraakiisha booliiska ayaa sheegaya in xaalada si dhaqso leh gacanta loogu dhigi doono, iyagoo ka gaabiyey bixinta tafaasiil dheeri ah

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*