Xildhibaanada Golaha Wakiilada Somaliland Oo Ka Soo Horjeestay In Ay Masar Saldhig Militari Ka Samaysato Somaliland.

Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Somaliland ayaa si adag uga soo horjeestay qorshaha Masar ee ah inay saldhig militari ka dhisto Somaliland isagoo sheegay in tallaabadaasi ka hor imanayso xidhiidhkooda walaalnimo ee Itoobiya.

Xildhibaan Nacnac ayaa sheegay in Somaliland aysan ogolaan doonin in Masar ay saldhig militari ka samaysato dalka maadama ay xumaynayso xiriirka kala dhexeeya Ethiopia.

ÔÇťAnaga iyo Itoobiya wax badan ayaan wadaagnaa”ayuu Xildhibaan Nacnac yidhi.

Uma ogolaanayno Masar inay saldhig militari ka dhisto dalkeena sababta oo Masar nama caawin wakhtigii adkaa ee aan soo marnay”ayuu yidhi xildhibaan Nacnac.

“Masar uma ogolaan doono in ay Saldhig ka dhistaan Somaliland xitaa hadii ay aqoonsanayaan Madaxbanaanideena, Taiwan ayaan nooga dhaw Masar”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*