5-ta Sifo Ee Uu Ninku Ku Jeclaado Dumarka In Ka Badan Quruxda.

Dadka Somalida ayaa inta badan aaminsan in quruxdu tahay waxa uu Ninku ku jeclaado ama kaga helo gabadha laakiin waxa jira sifooyin kale oo aan ahayn qurux laakiin uu Ninku ku jeclaan karo gabadha.

Shaki la’aan quruxda ayaa door weyn ka ciyaarta in uu Ninku jeclaado gabadh laakiin sidoo kale waxa jira sifooyin muhiim ah oo uu ninku ku jeclaan karo gabadha in ka badan quruxda.

Hadaba halkan ayaan ku soo bandhigi doonaa 5 sifo oo uu Ninku ku jeclaan karo gabadha in ka badan quruxdeeda:

1.Sifada Gabadha soo jiidashada leh:

Ragga ayaa ka hela gabadha leh soo jiidashada shaqsi iyo quruxda gudaha tusaale ahaan awooda ay xidhiidh kula samayn karto dadka kale, gabadha ku kalsoon nafteeda sidoo kale daryeesaha quruxdeeda dibada.

2.Sifada Gabadha mar walba Rajada badan:

Ragga ayaa jeclaada gabadha mar walba muujisa rajo waliba ku qanacda waxa ugu yar ee ay hesho taas oo ka hadlay shaqsiyadeeda gudaha in ka badan quruxdeeda, waliba mar walba la arko iyada oo dhoola cadaynaysa mar walba muujinaysa wanaag iyo rajo.

3.Sifada Gabadha Romantic-ga ah:

Nin walba waxa uu jecelyahay Gabadha Romantic-ga ah in ka badan quruxdeeda, gabadha mar walba ku hadasha kalmado jacayl ah waliba jacaylku buuxiyay qalbigeeda.

4.Sifada Gabadha Edebta Leh:

Ragga ayaa aad u qadariya gabadha edebta leh waliba Qadarisa Ragganimadiisa marna aan hadal ku digasho leh ku odha ama aan yaraysan muhiimadiisa.

5.Sifada Gabadha Masuulka ah:

Nin walba waxa uu raadiyaa gabadh masuul ah oo uu la wadaago noloasha iyo arimihiisa kale sidoo kale gaabdh la qaybsata taxadiga nolosha ay wadaagayaan dhib iyo dheefba.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*