Ciidamada Amniga Galmudug Oo Qabtay Caruur Laga Soo Afduubtay Deegaanada Puntland

Ciidamada Amaanka Galmudug oo hawl gal ka sameeyay gudaha magaalada cadaado ee Gobolka Galguduud ayaa ku soo qabtay in laga soo afduubtay magaalada Qardho ee gobolka Bari.

Caruurtaas ayaa lagu soo waramayaa in lagu haystay mid ka mid ah xaafadaha cadaado ee Gobolka Galguduud iyada oo ay carurtu sheegeen in ay soo afduubatay Hooyadii dhashay kadib markii ay isku dheceen Aabohood taas oo keentay in ay Hooyadu u soo guurto deegaanada Galmudug gaar ahaan degmada cadaado.

Aabaha dhalay caruurta ayaa sheegay in uu 2 sano iyo badh raadinayay caruurta isaga oo ka raadiyay meel walba oo ka mid ah magaalooyinka iyo dagmooyinka Somaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*