Ciidamada Somaliya Oo Khasaare Gaadhsiiyay Dagaalyahanada Al Shabaab Kadib Dagaal Ay Ku Qaadeen Fadhiisimo Ay Ku Lahaayeen Beled-Xaawo

Ciidamada Dowladda iyo Al-Shabab oo saka ku dagalamay deegaanada caano-Quumbow iyo Qaniyaale oo Beled-Xaawo hoos yimaada ayaa ciidamada Dowladda Guulo ka sheegteen digaalka halkas ku dhaxmaray ciidamada Dowladda iyo Al shabab

saraakiil ka tirsan ciidamada Xoogga ayaa sheegay in ay Khasaare gaarsiiyeen Al-Shabaab islaa markaasna ay kala wareegeen 10 neef oo ari ah iyo Gaari nooca loo yaqano Zuzuki oo ay Bulshada Deeganadas horay ugu qateen.

Xaaladda deegaanada ayaa degan, waxaana halkaasi gaaray ciidamo badan oo ka tirsan ciidamada xoogga kuwaasi oo howlgallo kawada degmada Beled- xaawo iyo deeganada ku teedsan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*