DEG-DEG: Baarlamaanka Somaliya Oo Cod Ku Ansixiyay Ra’iisal Wasaaraha Cusub Ee Somaliya.

Baarlamaanka Somaliya ayaa maanta si Rasmi ah Cod ugu Ansixiyay Ra’iisal Wasaaraah Cusub ee Somaliya ee Maxamed Xuseen Rooble.

Maxamed Xuseen Rooble ayaa haatan Si Rasmi ah u noqday Ra’iisal Wasaaraha Cusub ee Soomaaliya isaga oo shaqada ka badalay Ra’iisal Wasaarihii hore ee Xasan Cali Khayre.

Ra’iisal Waasaraha Cusub ee Maxamed Xuseen Rooble ayay u codeeyeen dhamaan xildhibaanadii joogay goobta iyada oo ayna jirin cid ka aamustay ama cid diiday.

Maxamed Xuseen Rooble ayaa haatan bilaabi doona in uu soo dhiso xukuumad dalka gaadhiisa doorashooyinka sida weyn loo wada sugayo.

Waxa ogolaaday ama kalsoonida siiyay Ra’iisal Wasaaraha cusub ee Maxamed Xuseen Rooble 215 iyada oo ayna jirin cid ka aamustay ama cid diiday.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*