DEG-DEG: Madaxweynaha Dalka Maraykanka Oo Dil Sun Ah Ka Badbaaday.

bushqad ay ku jirto sunta ricin ee loo diray madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa la qabtay ka hor inta aysan gaarin Aqalka Cad, sida ay saraakiil u sheegeen warbaahinta Mareykanka.

Bushqada ayaa lagu ogaaday qaybta baadhitaanka ee Aqalka Cad bilowgii todobaadkan sida ay sheegayaan saraakiishu.

Saraakiisha ayaa sheegay in ay suntu ku jirtay baqshad waxana lagu magacaab ricin waana sun dabiici ah oo laga helo digirta.

Maamulka Trump ayaan Wali wax warbixin ah ka soo saarin dhacdan.

Xafiiska Dambi Baarista ee Federalka (FBI) iyo ciidamada gaarka u ilaaliya madaxweynaha ee Secret Service ayaa baaritaan ku wada halka ay ka timid suntu iyo waliba in kuwo kale loo diray madaxweynaha.

“Wakhtigan, ma jirto wax khatar ah oo la ogyahay oo ku saabsan nabadgelyada dadweynaha,” ayay FBI-da u sheegtay CNN warbixin ay soo saartay Sabtidii.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*