DEG-DEG: Wasiir Ka Tirsan Xukuumada Somaliland Oo Xaqiijiyay In Laga Helay Xanuunka Korona.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore ayaa si Rasmi ah u xaqiijiyay in laga helay xanuunka Korona.

Wasiir Saleebaan Yuusuf Cali Koore ayaaa bulshada iyo shacabka Somaliland la wadaagay in laga helay xanuunka Aduunka faraha baas ku haya ee Korona sida uu xaqiijiyay.

Isaga oo la hadlaya warbaahinta ayuu yidhi wasiirku”Runtii waajib ayay inagu tahay qof kasta oo ka mid ah masuuliyiinta ama jagooyinka waaweyn u haya dalka in ay dadka la wadaagaan waxyaabaha soo kordhay”.

“Sidaas darteed aniga oo ah Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland waxa aan halkan dad weynaha reer Somaliland ugu cadaynayaa in la iga helay xanuunka Korona ama Kofid-19 oo aan is leeyahay waa cudur ama xanuun ayayna ka war la’ayn in uu dalka ama adduunka oo dhan 6 ilaa 7-dii bilood ee ugu dambeeyay saamayn ku yeeshay”.

“Waxa aan aad ugu faraxsanahay maadama ay qaraka Rabbi iska jiro in aan noqday qofkii ugu horeeyay ee lagu baadhay qalbiga casriga ah ee la keenay magaalada Lasa-caanood iyo waliba in aan noqday qofkii ugu horeeyay ee uu xanuunku ku soo baxay”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*