Dib U Dhac Kale Oo Ku Yimid Wadahadaladii U Dhexeeyay Dawlada Federaalka & Kuwa Xubnaha Ka Ah & Sababta Oo La Ogaaday.

Dowladda Soomaaliya ayaa dib u dhigtay furitaanka wadatashigii u dhexeeyay madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada sababo la xiriira xiisadaha aan la xalin iyo culeyska siyaasadeed ee sii kordhaya iyo arimo dhawr ah oo kale sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiintu.

Madaxweynayaasha maamullada Galmudug, Hirshabeelle, Puntland, Jubaland iyo Koonfur Galbeed oo ay weheliyaan duqa magaalada Muqdisho iyo Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ka dib cadaadis uga yimid wakiilada beesha caalamka – kuwaas oo riixay in dib loogu laabto wadahadalada doorashooyinka ka dib markii shirkii Dhuusamareeb uu soo saari waayey natiijooyinkii loogu talagalay.

Maaddaama shirkii hordhaca ahaa uu ka socday xarunta madaxtooyada, waxaa la xiray dhammaan waddooyinka waaweyn ee caasimadda dhexmara iyadoo laga joojiyey isu socodka dadka xilli boqolaal ka tirsan ciidamada Midowga Afrika iyo kuwa dowladda Soomaaliya lagu daadiyay dhamaan wadooyinka magaalada.

Kulankii hordhaca ahaa kadib saraakiisha Villa Somalia ayaa sheegay in dib loo dhigay furitaankii shirkii u dhexeeyay madaxda federaalka iyo kuwa maamul gobaleedyada ujeedadiisuna ahayd in is afgarad laga gaadho doorashooyinka soo socda uu dib u dhacay lana qaban doono sabtida xilli aan wax faah-faahin ah laga bixin sababta uu dib ugu dhacay.

Laakiin ilo wareedyo ayaa u sheegaya in dib u dhaca jirka sabab u tahay xiisadaha ka taagan Gobolka Gedo ee u dhexeeya ciidamada dowladda federaalka ee ku sugan gobolkaasi.

Kadib kulan uu laqaatay Madaxweyne Farmaajo horaantii todobaadkan, Hogaamiyaha Jubaland Axmed Madoobe ayaa Shuruud ku xidhay Dawlada una sheegay in ay Jubaland ka soo saarto ciidamada ciidamada Soomaalida ee ay tababareen Turkiga ee ku sugan gobolka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*