Dibadbaxayaal careysan ayaa dab qabadsiiyey dhismihii Laga Soo Tuuray Gabadhii Lagu Kufsaday Magaalada Muqdisho.

Dibadbaxayaal careysan ayaa dab qabadsiiyey dhisme ka kooban 6 dabaq oo ku yaalla degmada Waabari ee magaalada Muqdisho halkaas oo lagu kufsaday laguna dilay gabar 19 jir ah.

Dhacdada Gabadha la kufsaday lagana soo tuuray dhisme yaalla degmada Waabari ee magaalada Muqdisho ayaa ah mid si weyn loo hadal hayo maalmihii ugu dambeeyay.

Gabadha la dilay oo lagu magacaabayay Xamdi Maxamed Faarax ayaa ka mid ahayd Ardyada waxbarasho u joogtay caasimada Somaliya ee Muqdisho halka ay Hooyadeed iyo reerkoodu ku noolyihiin Galgaduud.

Dhanka kale Booliska Soomaaliya ayaa sheegay in ay wadaan baadhitaano la xidhiidha kiiska gabadhana dabaqa laga soo tuuray. Sida ay ku sheegeen warsaxaafeed ka soo baxay.

Dibadbaxayaasha ayaa dab qabadsiiyay dhisamaha oo ah midkii laga soo tuuray gabadha kadib markii si arxan daro ah loo fusaday

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*