Faa’iidooyinka Muranku U Leeyahay Lamaanaha Is Qaba.

Muranka ka dhex-dhaca lamaanaha is qaba ayaa leh faa’iidooyin badan oo laga yaabo in ayna aqoon u lahayn, xilli Fikrada xanaaqa iyo dhibaatadu tahay waxa ugu weyn ee ay ka ogyihiin muranka dhex-mara.

Laakiin waxaa la joogaa waqtigii aan badali lahayn fekerkeena ku saabsan khilaafka ka dhex-dhaca lamaanaha waxa jira faa’iidooyin badan oo ku jira muranka ka dhex dhaca dadka is qaba ee lamaanaha.

Faa’iidooyinka muranka ka dhex-dhaca lamaanaha is qaba.

1.Xeerka muranka waxtarka leh ee u dhexeeya labada qof ee is qaba ayaa fiicneeya xidhiidhka Guurka.

Muranka ka dhex-dhaca labada qof ee is qaba ayaa labada qof baraya waxyaabo ayna naftooda ka aqoon ama uuna midba midka kale horay ugu arag taas oo badalaysa fikirkooda ah in uu muranku yahay mid xun laakiin dareemaya in ay tahay wax fiican oo ay isaga baran karaan naftooda.

2.Muranka ka dhex-dhaca lamaanaha ayaa faa’iido u leh xidhiidhka jacayl ee ka dhexeeya labada qof maadama uu fiicnayn doono dareenkooda sida ugu fiicana u horumarin karaan xidhiidhkooda.

3.Muranka ka dhex-dhaca lamaanaha ayaa keenaysa in ay labada qof kala fogaadaan wakhti yar kadib waxa ay ogaanayaan muhiimada ay isku leeyihiin wayna isku soo xiisayaan.

4.Muranka ka dhex-dhaca lamaanaha ayaa labada qof ka caawinaya in ay ka gudbaan dhibaato kasta taas oo xoojinaysa xidhiidhkooda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*